Maansada Hooyo waxa ay ka mid tahay heesaha Hadraawi ee maanka dadka sida
isku midka ah u wada abbaara ee u taabta, una soo jiita nuxur ahaan iyo hab-dhaca farshaxan
ahaaneedba. Heesta hooyo waxa ay ka awaale-warramaysaa qaayaha i
yo lagama maarmaannimada madhaafaannimo ee hooyada. Ujeeddada curinta
maansadan keentay ee ka dambaysa ayaa ku taxmaysa laba munaasibadood oo wakhti dheeri uu
u dhexeeyo (soddon ku dhowaad sannadood). Waxa ay labada wakhti kala ahaayeen: Mar Hadraawi oo caydi
ah (carruur ah) oo miyi jooga iyo marka kale oo ah Maxamed Ibraahim oo Gadh-madoobe
ah (nin weyn ah) oo Muqdisho jooga. Dhacdadii koowaad: Seben hore Maxamed Ibraahim
Hadraawi oo da€™diisu ay aad u yar tahay (ilaa lix jir ah), ayaa
waxa habeen lagaga hor tegayaa Ardaa geel; meel cidla€™ ah isaga oo ku gataati dhacay
oo ku gam€™ay. Waxa ay ahayd xilli roobab-bow ah oo cirku cusub yahay oo
uu da€™ayo. Markii geela la soo xareeyey ee la maalay ayaa raggii guryaha oo xerada geela
ka go€™an u hurdo tegayaan oo qabteen. Geelii oo xaraysan iyo Maxamed oo sardho ku qasayana, waxa lagaga tegayaa ardagii cidla€™ciirsilada ahaa. Habeen
badhkii ayaa geelii oodda jabsanayaa oo xeradii ka daatay. Hal duq ah oo Hadraawi tilmaamay in ay geela in badan oo ka mid ahi ay iyada (hashaas) ka soo jeedaan oo ka soo farcameen,
a! yaa da€™ iyo culays dartii la kici waydey oo golihii kula soo hadhaysa Hadraawi
oo sanqadhii geela ku baruurugey oo toosay, haseyeeshee is gaabinaya oo is nabaya, kana baqaya libaax €˜amtaa€™ haya oo ciyaya. Arlada waxa waagaas lagu
yiqiin libaax dad-qaad ah oo dad iyo duunyaba aan kala hambayn. Hadraawi markii uu u adkaysan waayey gurxankii iyo goohii €˜giida€™ libaaxa oo marba marka ka
sii dambeeya ku soo dhowaanaysa, ayaa waxa uu dhinaciisu xejin waayey dhulka, waxanu ku gurguurtey oo galay mus-sareedkii ardaaga. Libaaxii ayaa ku soo biiraya oo yimid golihii Hadraawi
iyo hashu ku sugnaayeen. Libaaxii oo xarrago tiicaya ayaa muskii ardaaga ee
Hadraawi ku jirey inta uu baasha ka dhaafay, waxa uu dalaq yidhi ! oo ka gelay xera-geeshii halkii geelu bannaystay ee uu ka daatay. Hashii duqda ahayd oo raamsanaysa, iskana
fadhida, ayaa libaaxii gol-jilicda dhuftay oo inta uu micida ka geliyey biyo
ka soo daayey. Biyihii oo dhulka is-wadhay inta uu dhabaqsaday oo hirqaday, kana dhergey, ayaa Hadraawi oo arkaya inta uu libaaxii is kala bixiyey oo bunaaxin (ci€™dheer) ku
dhuftay oo baalla-daymooday uu iska dhaqaaqay. Libaax kale oo ci€™dii kii hore maqlay
ayaa isna soo daba- maray oo inta uu duqdii uus-miirtay isna iska hulleelay oo
iska tegey.Sida Maxamed Ibraahim Warsame laftiisuba tilmaamay, waxa daqiiqadaha habeenkaasi uga dhignaayeen
Sannado, dhulkii ayaana cidhiidhi ku noqday oo naftii ayaa isugu timid naxdin
iyo baqdin darteed. Isaga oo weli muskii ku jira, ayaa waxa uu maqlayaa dhawaaq dumar
oo dhanka guriga ka soo yeedhaya, kuna celcelinaya oo leh: €œAlla hoogey Maxamedow€!
€˜waan iska dhega-maray oo lama hadlin€™ ayuu yidhi. Waayo
waxa jirey buu yidhi €œ sheeko carruureed ku saabsanayd in Bahal Madax-kuti la yidhaahdaa
ay habeenkii qof inta ay iska soo dhigto oo magaca qofka ay doonayso in ay
cunto ay ugu yeedho ay sidaas ku hesho, uguna cunto€. Bahashaas ayaa Hadraawi
moodey in ay isaga libaaxii u soo daba marayso, dhulkii ayaanu isku sii nabay. Codkii ayaa u soo dhowaadey,
waxanu indhaha qac ku siiyey qof dumar ah oo ardaagii taagan oo leh €œ Alla ba€™ay oo hoogey libaaxii ayaa qaatey€. €˜Waan
u sii fiirsadey€™ buu yidhi. Dabadeed waxa uu Hadraawi aqoonsanayaa in
aanay meesha Madax-kuti jirine, qofka goobta joogaa uu yahay Hooyadii Gacaliso
Kaaha Jaamac Buux. Neef kulul ayaa Maxamed ka soo boodaysa, waxana tin iyo cidhib
dhammaynaysa oo saaqday jidhiidhico la yaab leh. Isaga oo aan is-ogayn inta uu muskii ardaaga ee uu ku loohnaa (isku qarinayey) ka soo boodo, kana soo baxo ayuu €˜Hooyo
hee€™ yidhi oo €˜haaw€™ gosheeda ku soo odhanayaa, iyana inta
ilmo farxadi waa naxdina ay ka soo qubatay ayay €˜dug€™ dushiisa
ku tidhi! Kaaha Jaamac waxa ay dhinaca Aqalkii qoyska u daadihinaysaa inankeeda Maxamed
Ibraahim. Waxa uu Maxamed guriga ugu tegey Aabbihii Ibraahim Warsame (walan-wal) oo iska hurda oo
aan €˜baddaaba hayn€™. Maxamed oo da€™diisu aad u yarayd wuu
la yaabay sida wax u dhacayeen, waxanu isla goobtii (aqalka dhexdiisa) isku waydiiyey su€™aalo
badan. Waxa uu iskula sheekaystay oo yidhi: €œAabbahaa nin buka ma ahayn, nacasna kuma
aanad ogayn, fulena laguma xamanayn ee tolow waa maxay sababta isagana seexisey,
hooyadaana ledista iyo jiifka u diiddey. Waxa xiskiisa ku soo noqnoqonayey sababta waxaas
oo khatar ah habeenkaasi madow soo dhex marisey ee ugu keentay cidladii libaaxyadu ka goohayeen?!
Hadraawi habeenkaas waxa uu guntaday kala duwanaanshaha weyn ee u dhexeeya
kasha iyo dareenka labada waalid (Hooyada & Aabbaha).
Dhacdadii labaad: Beri dambe oo Maxamed Ibraahim Hadraawi uu gaashaan-qaaday oo uu weynaadey
horraantii 1970nadii, ayaa waxa uu baabuur Bas ah (Siteey ma noogto ah) ka
raacayaa Faras magaalaha Muqdisho, isaga oo u sii kicitimayey dhinaca Hooygii uu ku noolaa oo ku yaalley
dhismihii Kulliyadda Lafoole ee Afgooye. Rakaabkii Baska waxa ka mid ahaa
qof dumar ah oo dhallinyar oo isa-sidata (ilmo yar xambaarsan). Ilmihii yaraa ayaa gaajooday
oo ooyey. Waxa ay gabadhii aragtay dad rakaabkii ka mid ah oo karahsanaya qaylada ilmaheeda, waxay markaas isku dayeysaa in ay ilmaha sasabo iyo koolkoolin ku aamusiiso, haseyeeshee
taasi way u socon-waydey oo oohin buu ka sii qaaday. Inkstoo rakaabku ay rag iyo dumarba
ka koobnaayeen, haddana bilcantii mar-curadka ahayd ma aanay danayn indhaha
ku soo maqan, balse waxay soo saaraysaa naaskeeda oo ilmihii afka u gelinaysaa oo jaqsiinaysaa! Markii ay nuujisey ee uu dhergey, ayuu ilmihii qosol iyo farxad la hadaaqayaa oo
cayaarayaa! Wax yar ka dib ayuu €˜ban€™ ka wareegayaa oo isku xaarayaa. Hooyadii
da€™da yarayd markii ay ogaatey mashaqada ilmaheedu golaha keenay ayay qajishey
oo naxday, waxanay isku dayday in ay saxarada ilmaha oo dhabteedii soo dhafaysa ku ururiso maradeeda, si aanay dhulka u gaadhin ama dadku aanu u arag. Waxa ay xagga hoose ka soo gurtay
toobkii iyo googaraddii ay xidhnayd oo marba ku qa! batay saxaradii ilmaha
ilaa ay bawdeedii ka qa awanaatey! Dadkii baska la socdey oo Hadraawi ka mid ahaa, waxa ay u qaybsameen in karahsata oo nebcaysata dhacdada gabadhaaas iyo ilmaheeda iyo in ku
sigata matag oo hayn kari waydey urtii. Qaar sanka ayay ka qabsadeen, qaar
kalena waxa ay baskii kaga degeen meel ka sokaysa halkii ay ku socdeen, kuwo kalena waxa ay ku qayliyeen
oo weedho aan habboonayn ku hiifeen hooyadaas! Hadraawi waxa uu ka mid noqday
koox fara-ku-tiris ah oo la safnayd hooyada, kana soo jeeddey dhankeeda. Naxariista hooyanimadu waxa ay gabadhaas ka tallaabisay soohdihii xishoodka markii ay naaskeeda ku soo
saartay, bawdadeena ku qaawisey raga hortiisa, sidii Kaaha Jaamacba (Hadraawi Hooyadii)
ay u! waydaarisey hooyanimadu soohdinta cabsida iyo baqashada markii ay ci€™da
libaaxa, qabowga roobka iyo madowga habeennimo midna ka gabban-waydey ee ay u timid halkii
ay inankeeda ku ogayd!
Maxamed Ibraahim Warsame waxa uu Siteey ma- noogtadii (Baskii) kaga daadegayaa
Maxadaddii (Boosteejadii) ugu dhowayd hooygiisa Lafoole, halkaas oo Cabbaar looga sii
lugeeyo Kulliyadda Lafoole. Intii uu haddaba Hadraawi jidka sii hayey ee uu sii socdey, ayaa waxa
maanka iyo maskaxdiisaba ku noqnoqonaya oo uu dib u sawiranayaa dhacdadii
ka aloosnayd baska uu ka soo degey iyo Rakaabkiisii, gaar ahaan hooyadii da€™da yarayd
iyo ilmaheedii . Waxa kale oo taasi Hadraawi ugu xidhmaysaa dhacdooyin iyo
xusuuso hore, gaar ahaan golihii geela ardaagiisa iyo dhawaaqii Hooyo Kaaha ee carruurnimadkiisii.
Halkaas ayaa labadaas dhacdo ee kala dambeeyey, wakhtiga dheerina u dhexeeyo,
waxa ka dhalanaysa heesta xigmadda iyo murtida ma-guuraanka ah xambaarsan
ee €œHooyo€.
Waxay tidhi:
Hooyoy la€™aantaa
Adduunyadu hubaashii
Habeen kama
baxdeenoo
Iftiin lama heleenoo
Dadku uma hayaameen
Xiddig hawd ka lulatiyo
Sida haad ma fuuleen
Dayax heego
joogo
Hubka laguma tureen
Hawo laguma gaadheen
Cirka hirar ka muuqdoo
Hooyoy addoomuhu
Halkay maanta joogaan
Adigow
horseedoo
Intaad hanad xambaartee
Haaneedka siisee
Horaaddada jaqsiisee
Habtay baan xisaab iyo
Tiro lagu helayn,
Marka aad nin hiilloo
Laga baqo hashiisiyo
Halyey diran dhashaa baa
Hooyo lagu
xasuustaa.
Marka aad nin hoo-loo
Gurigiisa habaqluhu
Isku soo halleeyoo
Hayntiisa quudhoo
Hor
ilaahay geystiyo
Lama hure dhashaa baa
Hooyoy lagu xasuustaa.
Marka aad nin himilada
Hilin toosan mariyoo
Hir markii la gaadhaba
Ku labaad
hilaadshoo
Haga maatadiisoo
La higsado dhashaa baa
Hooyo lagu xasuustaa.
Marka aad nin hooggiyo
Ka hor taga dagaalkoo
Garta hubin yaqaanoo
Xaqa hoos u
eegoo
Halistiyo colaadaha
Dabka hura bakhtiiyoo
Ku hagoogta dhiiggoo
Dadka kala hagaajoo
Kala haga dhashaa
baa
Hooyo lagu xasuustaa.
Markaad hoobal caanoo
Hindisaha farshaxanoo
Hab-dhaca iyo luuqdiyo
Hawraarta
maansada
Heensayn yaqaanoo
Rabbi hibo u siiyoo
Labadaba hannaanshiyo
Hal-abuur dhasha baa
Hooyo lagu xasuustaa.
Dumar iyo haween baa
Nolol lagu haweystaa
Kuwa lagu hammiyayee
Sida hawd caleen
wayn
Rag u wada hamuumee
Ishu halacsanaysaa
Hablahaaga weeyee
Marka guur la haybshee
Gabadh heego dheeroo
Hoobaan
la moodoo
Karti iyo hub-qaadloo
Quruxdana ka hodaniyo
Hira laga aroostaa
Hooyo lagu xasuustaa.
Hooyoy la€™aantaa
Higgaad lama barteenoo
Hooyoy la€™aantaa
Hadal
lama kareenoo
Ruuxaanad habinoo
Kolba aanad hees iyo
Hoobey ku sabinoo
Hawshaada waayaa
Hanaqaadi maayee
Hoygii
kalgacalkee
Naxariistu hadataay
Hooyoy dushaadaa
Nabad lagu helaayoo
Hooyoy dhabtaadaaa
Hurdo lagu gam€™aayoo
Hooyoy
taftaada
Dugsi laga helaayoo
Waxa lagu hal-maalaa
Hooyo ababintaadee
Hayin lagu badhaadhaay
Hogol lagu qaboobaay
Gogol
lama huraaneey
Dugsigii hufnaantaay
Hidde lagu arooraay.
Intaad hooyo nooshahay
Hambalyiyo salaan baan
Hanti kaaga dhigayaa
Hamrashiyo
xaq-dhowr baan
Dusha kaa huwinayaa,
Hooyo dhimashadaaduna
Hooggayga weeyoo
Hiyiga iyo laabtaan
Kugu haynayaayoo
Weligey
hoggaagaan
Ka dul heesayaayoo
Hengel baan u xidhayaa
Inta haadka duushiyo
Idil habar dugaaggee
Ifka hibo ku
noolow
Aakhiro halkii roon.
Heestan Hooyo waxa ay tilmaamaysaa intan oo nin rag ah iyo inteer oo marwo dumar ah
oo hooyo dihatey; dhashay oo dhabarka saartay; habtay oo haaneedka jaqsiisay; u soo heestay oo ay soo koolkoolisey; soo barbaarisay,
bulshadana ay iyadu dhex keentay. Haddaba saddex nin oo ay maansadu ka faalloonayso, ayaa lagu tilmaami karaa arrin ay maansadani
gaar isaga leedahay oo ay ka sheegan karto kulmintooda maanso kale oo kastaba. Saddexda nin kan hore waa Lama-hure oo ah nin
aan laga maarmi karin; waa deeqsiga la isku soo halleeyo gurigiisa iyo maalkiisa ee martida u looga, hor Alle wax u baxsada,
qofka baahanna diihaalka gaajada ka reeba. Ninka labaad waa La -higsade Waa nin wax hubin yaqaan, wax oddorosi kara oo hillaadinta
iyo hagista ku xeel-dheer, waana hoggaamiye daacad ah oo lagu daydo talaabo kasta oo uu qaado, loona aayo taladiisa iyo hoggaamintiisaba.
Ninka kale ee saddexaadna waa Kala-hage; xilliga colaadda waa geesi halyey ah oo aan gabbashada aqoon, marna waa nabad-doon!
garyaqaan ah oo dadka kala hagaaja oo kala gura, xaqana hoos u daya oo aan dhinac u xeebashada iyo eex u suxul-duubka aqoon.