banaf online




Home
qaybta jacaylka
qaybta sports
ciyaaraha
sawirada
qaybta mahmahyada

banaf online

 
aa
a
 
MAAHMAAHYO SOOMAALI AH

1 Aadme la aragyaaba, dhib la arag. 

2 Abaal dad galaa badan, dad gudaase yar 

3 Abgaal calool la deguu leeyahay, ee cidhif la dego ma leh. 

4 Abkeey dooli diloow, dad nool maas u dahaa. 

5 Aburku intaanu kugu tufin, baa lagu tufaa. 

6 Aburku intaanu kugu tufin, baa lagu tufaa. 

7 Abuur iyo waano abuur baa horreysey 

8 Adduun i khatal. 

9 Adhi magantii ma barriiyo. 

10 Adin waa la dhibaa, ilna waa la dhawraa. 

11 Aduun wey ki amoodeey ugaaw??? 

12 Af-ka nool abooto mudac. 

13 Af ama reer aw mahdi ha ku hadlo ama lo' ha ku daaqdo. 

14 Af Daboolan, Dahab waaye. 

15 Af hadlaaba aamus. 

16 Af nooli waa hadlaa Eyna waa ciyaa 

17 Af waa kane, maxaa lagu aamaa 

18 Af wax cunay xishoo 

19 Alla aamin ma iisho 

20 Alle watow wehel uma baahna 

21 Allow aqoon xumo hannagu caabin eexona hannooga tegin 

22 Allow nin aan wax ogayn ha cadaabin. 

23 Ama afeef hore lahow ama adkaysi danbe 

24 Ama waa la muuqdaa ama waa la maqanyahay. 

25 Ammaan lama dhu-dhumiyo. 

26 Ammaano cirkaa diiday, oo dhulkaa diiday, oo Aadmi baa qaatay. 

27 Arab iyo waraabeba talo xumaa laga nool yahay. 

28 Arrad waa dan uskagse waa doqonniino 

29 Arrin aan sidii futo riyaad la feydin, ma fayoobaato. 

30 Arrin xumo abaar ka daran 

31 Awrba awrka ka horreeya ayuu horraan-qaadkiisa leeyahay 

32 Ayax teg eedna reeb 

33 Baareey guur, oo sixnigaagana la guur. 

34 Badhi mag ma laha. 

35 Balaayo madax la qabtay leedahaye minjo la qabto ma laha. 

36 Ballan habeenimo, jarmaado subax buu leeyahay. 

37 Bannaankaba arkaayow maxaa babac ku saaraaya 

38 Bannaankiis mare maradiisa geed ma qabsado 

39 Baqal fardo la miratay, fardihii bay is moodaa 

40 Barasho horteed ha i nicin 

41 Bari waaga mooyee wax san kama yimaadaan. 

42 Bartii yaqaan, bari uma korodho. 

43 Baryo badan iyo bukaan badanba waa laysku nacaa. 

44 Baryo iyo is daluuc layskuma daro. 

45 Bawdo rag, maalinba midbaa qaawan. 

46 Been fakatay runi ma gaadho. 

47 beeni raad ma leh 

48 Beer wax dhalow ba' 

49 Belo markay adiga kaa maqan tahay, qayrkaa bay ku maqan tahay 

50 Bidaari sibiq bay kugu gashaa 

51 Bil-saddex reerkaagana waa kaa kaxaysaa, reer kalena kuuma geyso 

52 Bilaysini Bir ka adag 

53 Bisayl iyo ceedhiin waxa u dhexeeya waa yac-yacood. 

54 Biya sar tegey waa la sugayaa 

55 Biyo meel godan bay isugu tagaan. 

56 Biyo sacabadaa lagaga dhergaa. 

57 Boqol sano oo dawlad xumo ah, hal habeen oo dawlad la'aana baa xun. 

58 Buurta Saw iyo Sogsogley iyo Samow Boorame 

59 Caano baqay haddaad aragto, waa bi'iso naagood. 

60 Caano Jiilaal canba canbid. :) 

61 Cadawgaa looma taahee, tun ku adkay. 

62 Cadku ceeji, xil iyo geeriba kuu dil. 

63 Calafkaa, nin ku rabaa baa haya. 

64 Calool adayg waa Alle wehelkiis. 

65 Canbe laf baa ku jirta. 

66 Canjeero siday u kala koreysaa loo cunaa (koonfur) 

67 Carraabo, fadhaa quusiyey 

68 Carruurey cayntaa baŽday 

69 Carruuri kor cabsooday leedahaye, kal cabsooda ma leh 

70 Ceeb looma dhinto, cara lalama qarxo, cayna looma dhaawacmo 

71 Ceebtaaday kow ogtahay, kun looma sheego. 

72 Ceel dad liqa, ul baa lagu dayaa. 

73 Ceesaan ninkii weydiinteeda kugu dhibaa wadisteedaa lagu dhibaa. 

74 Cid wax kusiisa wax badan baad aragtaa, cid kla talisase wax yar 

75 Cidlo ciirsi m leh. 

76 Ciirtaa dhamaa, ceebtaada yaqaan 

77 Cimrigaaga dheeraaday, Geel dhalaayaas ku tusaa. 

78 Ciyi waa ka beryey. 

79 Colka wadhaf ma lagu dayey. 

80 Daacadi ma hungowdo 

81 Daarood, marbuu qabasho lahaa: markuu nin keliya ahaa. 

82 Dabkii baxayaa dab lagu qabsadaa. 

83 Dacas kaa wayni dhiiqaday kugu farjiyaan. 

84 Dadqal looma gurguurto. 

85 Dagaal wiil kuma dhashee, wiilbaa ku dhinta. 

86 Dal aqoon la'aan waa la habaabaa, dad aqoon la'aana waa la qadaa. 

87 Daleel marow maradiis geed ma daarow 

88 Dameeraha Awdal ninkii ooda ka rogaa arroorsha. 

89 Dameeraha ta ugu xun baa ugu haraati kulul. 

90 Dameeraha ta ugu yar baa ugu biqlo badan. 

91 Dameeri dhaan raacday. 

92 Dameeri isku hallayn bay hooyadeed dabada uga nuugtaa. 

93 Dameerku dhega adagaa, ma Caydiidbaa 

94 Dammeeraley Dad la xeer maaha. 

95 Dan iyo xarrago is weyday. 

96 Dan layskuma naco. 

97 Dani waa seeto 

98 Dantaada derin karkaranna waa loogu seexdaa 

99 Dantaada iyo madaxaaga midna lagama boodo. 

100 Dantaadana, maqaar eybaa loogu seexdaa 

101 Dantii mooge, maro duuga ka liitee. 

102 Dantu ceebba ma lahee dadkuun baysku nacaya 

103 Dawaco geel ma cunto. 

104 Dawaco meeshay macal idood ku baratay, macaluul ugu bakhtidaa 

105 Deero waa dal madays. 

106 Deriskaa dagaalkaaga rabaa, dooradaada ceshaas ku dhahaa 

107 Dhagar qabe dhulkaa u dhaq-dhaqaaqa 

108 Dhagax meel dhow buu ku dhacaa, hadalna meel dheer 

109 Dhagax tuujin iyo taabasho waa isugu mid 

110 Dhalaan dheelaa baradi, dhusuntaa far koo galiyee?? 

111 Dhedo roob noqon weydey 

112 Dheerow ii gaabow yaa jaree, dhuubow ma jaro????? 

113 Dhego adakaa dameerku, ma Caydiidbaa. 

114 Dheriga karkaa maxaa ka keenay, kulayl weeye. 

115 Dhicisku inta birta loo soo siduu bakhtiyo. 

116 Dhidar xabaallo qoda, qudhun buu uga dhacaa. 

117 Dhiig islaan ma qarsoomo. 

118 Dhillo, intaadan dhillo oran bay dhillo ku tiraahdaa 

119 Dhulbahante waa dhoohan yahay. 

120 Dhurwaa dhoomo laguma rarto. 

121 Dibi hooyo xumi, hore ma noqdo. 

122 Dibi, bay waw dhutiyaa. 

123 Dix dhaaxood dhagax ka waa, hayeesa hangool ka waa 

124 Doc ka yeedh iyo dameerkaba daankaa la jebiyaa. 

125 Doc ka yeedh iyo dameerkaba daankaa la jebiyaa. 

126 Doofaarka ficil la'aan baa loo cadaabaa 

127 Dooro hadey hal waddo iyo hadey toban waddo Kurug ,Kurug ma Dhaafeeyso...... 

128 Doqon nebi Muusaa habaaray 

129 Doqoneey dabkaa baŽ 

130 Doqoni cad ciid loogu riday cay bay mooddaa 

131 Doqoni calaf ma leh 

132 Doqoni saaf carro loogu riday, sad bursiinyo ma mooddo 

133 Doqoni xin mooyiye, xisaab ma oga. 

134 Doqoniino waa shil. 

135 Doqontu hadalkay dib u gocotaa* 

136 Doqontu xeerna ma hoyso, xoolana ma hoyso. 

137 Dudun dareen ii dugsashu inis ki dartooy? 

138 Dukhsi dantiisuu dumurka (qudhunka) ugu jiraa. 

139 Dukulush timir deeri waayi Kharaaraa tuf in erre?? 

140 Dumar beenna waa lagu soo xero geliyaa runna waa lagu dhaqaa. 

141 Dumar yaryaraysi male 

142 Duqsi, caanuu ku dabaal bartaa fuudbuuse ku gubtaa. 

143 Erray nimaan dhaafin odday ma dhalin. 

144 faanoole fari kama qodna 

145 Fallaadhi gilgilasho kaagama hadho 

146 Fallaartii cirka loo ganay cid kastoy filo 

147 Far bugtaa, Faro ka dheer. 

148 Far iyo meel bugtaa is og. 

149 Far keliya Fool ma dhaqdo. 

150 Faras aanad lahayni, futadaaduu wax yeelaa. 

151 Faras uu reer isaaq nacay iyo naag uu reer cabdille nacay midna abdo male. 

152 Fardaha dheereeyaa pooloogay isku arkaan. 

153 Fardo laysu hayo, lays kuma faansho. 

154 Farsamo xumo, futada cankeeday ku goysaa 

155 Faruurow maxaa berbera ku geeyey? Dee faduul! 

156 Fule hooyadii ma goblanto. 

157 Fule wax ka qoryo badan. 

158 Futo iyo dhul isma huraan. 

159 Gaal dil gartiisana sii 

160 Gabadh nin dhali karaa dhiqi kara 

161 Gabadhi waa meel xun joog. 

162 Gacantaadu hadday dhudhub gasho, lagama dhuftee waa laga dhirindhiriyaa. 

163 Gacantii oodan goyn karin, waa la shumiyaa? 

164 Gadal gadaal geed looma koro 

165 Gar dabadeed, guu-guu (gunuunuc) baan nacay 

166 Gardarraa ma guulaysto 

167 Gardarro looma garbo yeelo. 

168 Gari ilaahay bay taqaan 

169 Gari laba nin kama wada qosliso. 

170 Geed joog gartii waa yaqaan, laga dhimayna dhaxalkii waa yaqaan. 

171 Geed walba in gubtaa, waa hoos taal. 

172 Geel-jire isagooy ushu u goantahay ayuu xaggeen ka goostaa ku yidhaa. 

173 Geel carruuri qaaday ma foga. 

174 Geel darreeray nin ka dayrshay ma awliya Allaa 

175 Geel soddon qaday, saddex kuma dari waayo 

176 Geeli waa geel, wixii gooyaana waa geel. 

177 Geeljire, geela waa wada jirtaa, waana kala jirtaa 

178 Geelow geed walba daaqdaye, markaad Ciin daaqdaa laguu yaabaa. 

179 Geeri nimaan aqoon iyo geel jiray ku wanaagsantahay. :) 

180 Geeriyu nin aadan aqoonin iyo geeljiray ku roomntahay. 

181 Gees lo'aad kulaylkaa lagu gooyaa. 

182 Geesi, Alle ma xidho. 

183 Gobanimo waa joome. 

184 God hadimo ha qodin, haddaad qoddana ha dheerayn, ku dhici doontaana ma ogid 

185 Gorgor, haadda ka weyn. (car garo) 

186 Gudineey ima goyseen, haddaan badhkay kugu jirin. 

187 Gudini geed ma goyseen, haddaan geed kale ku goyn. 

188 Gumur uraasa, weyne gurudee (gumur wey urtaa waana lagurtaa)???? 

189 Gurbaan Garabkaaga ha kuugu jiro ama gacalkaa hakuu hayo. 

190 Gus ma adkee wax ka jilicsan buu helay. 

191 Guur marka hore waa sino dhuuban yahay, marka dambena waa sino ballaaran yahay. 

192 Haani guntay ka tolantaa. 

193 Habar caal weydey durey bay hafartaa 

194 Habar caalweydey aleelo ku waalatay 

195 Habar fadhida legdini wax uga fudud 

196 Habar Jeclo, hadalka dib bay u gocotaa 

197 Habar roob hayo, ta kalena inuu hayey modaa. 

198 Habeen ciidan maaha 

199 Hadal intaadan buu ammaan yahay 

200 Hadal iyo hablaba duco la'aan bay tarmaan. 

201 Hadal iyo hilbaba kala qalan. 

202 Hadal nin badiyeyna ma wada odhan, nin yarreeyeyna kama wad tegin. 

203 Hadal nin si u yiri, ninna si u qaaday 

204 Hadal waa mergi hadba meel u jiidma 

205 Hadal yar iyo hawl badan. 

206 Hadalku intuu uurkaaga ku jiro ayuu ammaano yahay. 

207 Haddaad hungurootto waa la hadlaa, hab baa la dhisaa wax lagu helo 

208 Haddaan sacabka xeeli ku jiran, maxaa habeenkii loo tumaa. 

209 Hadday curaddii durdurisay aaran maxaad moodday. 

210 Hadday degdegsiiyo door dhalaan, kaadsiiyana kiish lacageey dhalaan 

211 Hadday tubaako, faa'iido leedahay Habargidir baa liqi lahayd. 

212 Haddii lagu sheego waa lays sheelaa, haddii lagu sheelana waa lays sheegaa. 

213 Hal diidaysaa geed ay ku xoqato ma weydo 

214 Hal libaax arkaysaa ma godlato. 

215 Haliba wiilkay korisaa, wedkeeda leh. 

216 Hamba soor ma eh 

217 Hangaraarac lug uma dhutiyo. 

218 Harag sagaaro iiga kac ma ahee iiga durug ma leh. 

219 Hasha naasa adag iyo weedha (hadalka) maxaa kulmiyey 

220 Hashu ragaadka, maysku eryeysaa, mise wayska bixinaysaa. 

221 Hawiye ceeb kama baqee, caydhbuu ka baqaa. 

222 Hawli jid caddeysay. 

223 Hawli jid caddeysay. 

224 Heeraa wan ma eh?? 

225 Heesta geelu waa kala horreysaa. 

226 Hilib beer laga dooray waa weyd. 

227 Hubkaaga iyo hayinkaaga, midna laguma hodmo. 

228 Hunguri wax ka weyn la mariyaa wuu dillaacaa 

229 Hunguri weyni kuunto weyni baa laga qaadaa 

230 Hunnu hunnu hadal maŽaha, himbiriirsi arag ma aha 

231 Illeyn doqoni qiiq kama kacdee daamankey meer meerisaa. 

232 In habari gasho, hali ma qaado. 

233 Inantii hooyadeed hadhuudhka tuntaa, iyana hufkiyo haadiskay barataa. 

234 inneen daaman nool ma daalaan, oo dad baan nahay kaama daayaan. 

235 Inta gaari la doon-doonayo, ayaa goombaar wiilkeedu ciidamiyaa. 

236 Inta Jiillaal loo adkaysto, jir looma adkeysto 

237 Intaadan falin ka fiirso 

238 Intii orod jirey, kuftinna way jirtey. 

239 Ishaaduna waa kula fil, dhegtaaduna way kaa weyntahay 

240 Ishiisa laga gartaa, Ushiisa lagu tumaa. 

241 Isla weyn, dooro weyn. 

242 Isma'og aqalkiibay aslaysaa. 

243 Isu qabe aan loo qabin. 

244 iyo cudur geeri og. 

245 Jacayl Biri ma goyso Biyana kaama maydhaan" 

246 Jinni, Ninkii keenaa bixiya. 

247 Kaadi badane waa loo gogol badiyaa 

248 Kab xume ma hadho ee kabe laawaa hadha. 

249 Kaftan iyo kaadi baa laysku cadaaba. 

250 Kal caano galeen, xirgi ma gelin (sorry ladies). 

251 Kelyo nimaan lahyn bay kaadiyi dishaa. 

252 Kibir waa lagu kufaa 

253 Kitaab gurigiisii loo diiday, sayax Illaah baa baday. 

254 Kitaab meelaan lagu fasirayn laguma furfuro. 

255 kuftin jillib iyo habaar waalid midina sahal kuma hadho 

256 Kuuryaan iyo kun xabbadood iyo konton jir ha la ogaado. 

257 La jiifiyaana bannaan, La joojiyaana bannaan. 

258 Laba layskuma daro: bidaar iyo timo, baryo iyo ad-adayg. 

259 Laba qaawan isma qaaddo 

260 Labaatan jir intuu geed ka booduu talo ka boodaa. 

261 Laf jabtay sideedii ma noqoto. 

262 Lama huraan waa cawska jiilaal 

263 Laxi shilalkay is dhigtaa lagu qalaa. 

264 Layligu kasha biyihiisa ku jiruu ka didaa. 

265 Libaax deeqi ka gurxamisay 

266 Libaax intay bulbushu ku taal, bahal ma cuno. 

267 Libaax lab god lagama kiciyo. 

268 Libaax nimaan aqoonbaa lax ka rita. 

269 Lixdan jir laguma helo qiimigaad laba jirkaa wayday. 

270 Loogow (qal ama magac nin) laguu minan fadhiyee. 

271 Lugtii jeeni dhaaftaa way jabtaa 

272 Luuq luuq marow laasim laamigaas kusoo dhacaa 

273 Ma ciil sokeeyaa ku haya, mise ciddi hoosteedaa lagaa hayaa. 

274 Ma nimaan wax aqoon baad wax la qaybsataa, mise baddaasaad dhurtaa. 

275 Ma sugto, Meher ma leh. 

276 Ma taagtaa baad guurtaa, mise taako-taako. 

277 Ma waxaad yeeshaa, wax naftaada u fiican oo wiilkaaga u xun, mise  wax naftaada u xun oo wiilkaaga u fiican. (Car garo). 

278 Maalinkii intay ishaada gaadhaa la hadlaa, habeenkiina inta gacantaada gaadho. 

279 Maantana far baa maydh laŽeey hay fadhiyo geeli 

280 Macallin xagaa injir lagama qabto. 

281 Madax meel ka sarraysa oo la taabtaa ma jirto 

282 Madax muuqda iyo mindi saawira midna lagama samro. 

283 Madheyti ii Moora gaabey lan maal qaboo dagee? 

284 Majeerteenku wuxuu naagaha ugu tagaa naag danbe arki maysid, 

285 Manjo dhooqo leh, kuwo dhaqanaa ka roon. 

286 Manjo dhooqo leh, marba mid baa la siibaa. 

287 Mar i dage alla ha dago, mar labaadse anays dagay 

288 Marba sidaad u jabtaa loo dhutiyaa. 

289 Mareexaan ma ahee waa ma riixmaan. 

290 Mareexaan waxaad u tahay waa yaqaan, wuxuu kuu yahayse ma yaqaan. 

291 Maroodi takarta saaran ma arkee, ta kaluu arkaa. 

292 Martidu marka hore reerkaa ka naxa marka dambena iyadaa kala naxda. 

293 Mas ii dooro daris ma nagadi koraan? 

294 Maxay ka nuugtaa ama ku nuugtaa, bushmo iyo naaso midna maleh. 

295 Meel hoo u baahan hadal wax kama taro 

296 Meelaad ku dhashay, waa meelaad ku dhimatay. 

297 Meelaad madaxeeda tahay, manjo lama noqdo. 

298 Meeshaad ku qubaysataa lagu qalalsadaa. 

299 Midho geed saaran, kuwo guntiga ku jira looma qubo. 

300 Midiidin la'aan waa la midgoobaa. 

301 Milil hoostii lama dhayo, haddii la dhayana qudhun baa looga dhacaa 

302 Mindidii qooqdaa dib bay u qaddaa 

303 Mira daray duuduubkaa lagu liqaa 

304 Miro gunta ku jira miro geed saaran looma daadsho.. 

305 Misbax minankaga u mugdi ah, minan dadow ma loogu nureyo???? 

306 Mugdi, arlaada geed ii goduh??? 

307 Mukulaal minankeedii joogtaa miciya aar bay leedahay 

308 Mulac, dilistiis isaga waw qudh gooyo, carruurtana waw cayaayir. 

309 Muruqa laba suulle ninba si ku ah. 

310 Naag godan dhalatay ama gaajo la godnayd ama cudur 

311 Naag kun baa koodisa ,kow baana guursada 

312 Naag la furay fadhi uma yaal 

313 naag Majeerteen waa qaalin geel ah oo waa soo meecaadaa oo ka soo raysaa 

314 naag Mareexaan waa sagaaro oo ka soo rayn iyo ka soo darid midna ma le 

315 naag ogaadeen waa naag, naag Majeerteen waa nacas, naag Dhulbahante waa naar, naag Warsangeli waa naf 

316 Naag Ogaadeen waa sac oo barwaaqaday ku fiican tahay 

317 Naag, naag ka umulisay iyo nin reer u weyni, midna siday wax u ogyihiin uma sheegaan. 

318 naagaha iyo carruurtaba sasabaa lagu wadaa 

319 Naagi naag lala qabo waa u col 

320 Naagi nimay legdaan, kama kacaan. 

321 naagi ninkay legedo kama kacdo 

322 Naago abaal ha u gelin amaahse ha u diidin 

323 naago ba'ooda ayey ka sheekeeyaan, ragna badhaadhohood 

324 Naago been baa lagu soo xero geliyaa runna waa lagu dhaqaa 

325 naago iyo riyaba diifta ayey isku eryoodaan 

326 naago jilayc iyo naxariis midna wax kuma laha 

327 Naago nimaan maddaxooda maja u rogin nin ma moodaan 

328 naago nin ay yaqaaniin col ma moodaan 

329 Naago waa belo loo baahan yahay. 

330 Naago waa u samir ama ka simir. 

331 Naago wax laga bixiyey laguma dhaqo oo wax loo hayaa lagu dhaqaa 

332 naago yaryarasi ma le 

333 Naagtii caana xun dhigataa iyana ku murud la' 

334 naaguhu hoosiis bay hadh moodaan 

335 Naakiro intey ku nabto ayay nebi kaaga hormartaa. 

336 Naar hooba galaaso bartaa ey la aragneey, tiimbooy (Naar si fiican baa loo galaa, hadii kale banaankaa laga joogaa) 

337 Naaso kor u jeeda nin arkaa, kuwo hoos u jeeda ma arko.(bal garo) 

338 Nacasnimo ninkeedii dishey 

339 Naf wax jecel allaa dhibay 

340 Nafeey, nin ku doona ku waa. 

341 Naftu waxay ogtahay ilaashataa. 

342 Naxariis eebbe lagama quusto 

343 Nimaad dhashay kuma dhalin 

344 Nimaad fadhiga kaga adagtahay looma sara kaco 

345 Nimaad kabahiisa tolayso, baa kafantaada tolaya. 

346 Nimaad kabo ka tolanayso kabihiisaa la eegaa. 

347 Nimaan dhididin ma dhergo 

348 Nimaan dhul marin dhaayo la'. 

349 Nimaan kuu furu doonin yuusan kuu rarin. 

350 Nimaan/nagaan shaqeysan shaah waa ka xaaraan 

351 Nimay meeli buktaa isagay balbashaa 

352 Nin aad kabtiisa tolaysaa, kadabkaaga jaraya 

353 Nin aan dhididin ma dhargo. 

354 Nin aan hadlin habartiisba qadisay 

355 Nin aan kuu furayni yuu kuu rarin 

356 Nin aan shaqaysanin shaah waa ka xaaraan. 

357 Nin ani yidhi dad iska sooc. 

358 Nin casarkii isa sheegay, cishihii ceebi ma qabato. 

359 Nin daad qaaday xunbo cuskey 

360 Nin dameero dabadood ka degay meel uga tooban buu waayey. 

361 Nin dameero rartaa dad la toy ma aha. 

362 Nin dhintay kabihiisaa dhaama. 

363 Nin durbaan tuntay ilaaq dalbay. 

364 Nin duulay dantii kaa og 

365 Nin fadhiya, looma saro joogsado. 

366 Nin Illaahay ka dambeeya kabtii ma yeela. 

367 Nin is faanshey wa riŽis nuugtay 

368 Nin iyo naag is qaba colna ma aha nabadna ma aha. 

369 Nin jiifa lama legdo. 

370 Nin Jiirow (magac) walaalkii yahay, joog-joog ifka ah iyo jiif-jiif aakhiro midna looma soo rogin. 

371 Nin kaa dheer wax looma tilmaamo. 

372 Nin keligii garramay, iyo nin dhul gannay midna ma gefo. 

373 Nin ku necebi xantaa og, nin ku jeclina xogtaa og. 

374 Nin kuu digay kuma dilin 

375 Nin kuu digay kuma dilin. 

376 Nin la dhacay ama caytan ama habaartan. 

377 Nin la sugayoow adna yaad sugin 

378 Nin maalin ma gaadhid, nina sanad ma gaadhid, nina weligaaba ma gaadhid. 

379 Nin qoyani, biyo iskama dhowro. 

380 Nin shir ka duday, siigo (boodh, bus, habaas,) yaraa. 

381 Nin sigtay ma nabad gelin 

382 Nin sigtay ma noola. 

383 Nin soori kaa qaaday waa nin seefi kaa qaaday. 

384 Nin waa inta naaga ka hadha 

385 Nin waalan, walaalkiisaa u miyir qabaa 

386 Nin wax yaqaan daaqsin geel baa wax loo mariyaa, ninaan wax aqoonna qaanso qurqurkeed. 

387 Nin wayn tag lama yidhaahe wuxuu ku tagaa la tusaa 

388 Nin weyni wedkii waa yaqaan 

389 Nin Xamar jooga oon baabuur lahayn waa nin Nugaal jooga oon hal lahayn. 

390 Nin xil qaaday eed qaad. 

391 Ninaan hadlin, hooyadiis qadisay. 

392 Ninba gurigii gaado ku leh 

393 Ninba kaskiisuu kor tagaa. 

394 Ninkaad adhi weydiisanayso, geel weydii. 

395 Ninkii belaayadaada raba, bawdkaagu qori ka jabsadaa. 

396 Ninkii dhimanayaa dheg baa dheer 

397 Ninkii geed fuulay asigi lee kasoo degi 

398 Ninkii talin jiray hadduu tago, midaan talin jirin baa yimaada. 

399 Ninkii tiisa daryeelaa tu kale ku dara. 

400 Ninkii uurka dabana Illaah baa arka, ninkii isha dabana Aadmibaa arka. 

401 Ninna caadil ma baajo, bahalna ceedhin ma daayo. 

402 Ood qaadis iyo jiidis waa isla guri geyn 

403 Oodi siday u kala sarreeysaa loo kala guraa ( woqooyi) 

404 Qof aan waxa soo socda garan waxa joogana ma garto 

405 Qofba untuu cunuu ciidamiyaa 

406 Qosol hiil leh. 

407 Qosol qoonsimaad noqay. 

408 Qufac iyo uur midna ma qarsoomo. 

409 Quruxi waa ishaada, qiimana waa ayaankaaga. 

410 Ra saddex ka oggow: Gacan gudhan, gar weecsan, iyo guddoon jilicsan. 

411 Raad arrooryo dib looma raaco. 

412 Rag jidiin baa walaaleeya. 

413 Rag la'aan waxba kuma yeeshee Rag xumaa ku disha. 

414 Rag waa raggii hore hadalna waa intuu yidhi 

415 Rag waa shaah dumarna waa sheeko 

416 Rag walaalow wuxuu ku dhaamo la waa. 

417 Rag wuxuu kugu bartuu kugu dilaa. 

418 Reer ba'ow yaa ku leh! 

419 Reer guura raac iyo carruurba loo kala sheekeeyaa, is mase arkaan. 

420 Reer, naagbaa kaa raacda. 

421 Reerka meelan loo husan looma haatiyo. 

422 Runi rag kama nixiso 

423 Sabool siil ma leh! 

424 Saddex baa la yidhi: Lixdan jir lexojeclo ha la wadaagin; afartan jir ha la garramin; labaatan jirna ha la legdemin. 

425 Saddex baa rag u liita; Ma toshe, ma tashade iyo ma tashiishe 

426 Saddex Ilaah waa karaa, mase suurowdo: Ilaahow guursan maayee wiil i sii; Ilaahow shaqaysan maayee xoolo i sii; iyo Ilaahow ku caabudi maayee jannada i gee. 

427 Saddex lama arag: Marti nin ka yar, muddo maalin ka yar, 

428 Saddex lama raaco: Ma horreeye, ma hambeeye, iyo ma haasawshe. 

429 Saddex looma adkeysto: Gaajo guri og, gardarro garab og, 

430 Saddex markaan bartaan ka gaboobay: Dab ollolintiis, carruur aamusinteed, iyo awr carraabintiis. 

431 Saddex wer-werkay kugu kordhiyaan: Faraska xun, naagta xun, iyo hoyga xun; haddana saddexdaas baa kaa bi'iye. 

432 Saddex: Warsangeli ninkay xamanayaan dila, Majeerteen ninkay ku urursanyahay dila, Dhulbahantana ugu tegi maysaan. 

433 Safar waa si wada yeel. 

434 Sagaaro intay tub joogto bay tub kale dayataa 

435 Sagaaro inteeda waa ku duq. 

436 Sagaaro laba cad oo la kal qaado ma leh 

437 Sagaaro, mindhaa ima barato. 

438 Sahaydaa waa hor, socodkaana waa dib. 

439 Salaadba waqtigeedaa la tukadaa 

440 Samraa, sammo hela. 

441 Seedi waa beer 

442 Shan nin oo shidho qayb leh, hal shanshaa ka baxda, shan ninnaan shidho qayb lahayna, shan shanshaa ka baxda. 

443 Shan shidda ma macaysaa. 

444 Shiikh markiis yimaado, shariifku, shubaakaduu ka baxaa. 

445 Shir looma wada uunsiyo 

446 Shir naagood oo shan dhaafay waa shar 

447 Shisheeye sheela duxa ma leh. 

448 Shubaali waa biyo la bax. 

449 Sidee xeero lagu xagtaa ilkana ku nabad galaan 

450 Sir naagood lagama sal gaaro 

451 Sodcaal maa moodhar, sahayna waa lacag, saaxiibna waa kaba cad. 

452 Soo joogso laga waayaa, soo jiifso laga helaa. 

453 Soomaalidu waxay casarkii kugu aragtay cishihii kugu caydaa. 

454 Soori waa in xil lagaga tago iyo in xarrago lagaga tago. 

455 Tabcadaa ma tuugoobo. 

456 Toban jir ogaadeen waa llom taliyaan. 

457 Toddobada cadaabood iyo talo qoodha-casaa la simay. 

458 Tol la'aani waa tows. 

459 Tol yarraaday, tafo naagood baa laga dayaa. 

460 Tolkaa maw talisay, mase tuugtay. 

461 Tolkaaga iyo xaaskaaga midna looma xog weynaado. 

462 Tuhun waa sed. 

463 tuug la qabtay talo ma laha. 

464 Tuug lama xado. 

465 Tuug lama xado. 

466 Ul jiiftaa ma jabto. 

467 Uur mudane iyo uur Berde, midna lama baadho. 

468 Waa baahan tahay bakhtiga looma cuno 

469 Waa qaan marreexaan waa qaaxo kugu maqan. 

470 Waari mayside war hakaa hadho. 

471 Waayeel ha soocine, wax aqoonta sooca. 

472 Wadaad jiilaal injir lagama qabto 

473 Wadaad waa nin 

474 Wadaanta isha ka xumaataa, faylkay la tagtaa. 

475 Wadaantii geeleeda kaafida, baa mid kalena kaalmeysa. 

476 Wadar iyo waaxid yaa waalan 

477 Wadiiqada yari waddiqada weyn bay kugu riddaa 

478 Walaalkaa dhuux tagoogaa loogu soo subkadaa (dhaashadaa). 

479 Walaashaa iskuma hubtide, seedigaa hays ku ceebayn. 

480 Wan weyn illaa la gowraco indhihiisu cirka ma arkaan 

481 War jiraaba cakaaruu iman. 

482 War la helaaba, talo helaa 

483 Waraabe daalay, dirirtiisaa loo tagaa. 

484 Waraabe ulla lala gaadhi waa, orodna wax lagaga dhibi waa. 

485 Warsangeli wax noolba cun oo awrkii cirkana cid u diray 

486 Warsangeliguna wuxuu cuntada u cunaa cunta danbe arki maysid 

487 Wax aad baratay waa baaskaa 

488 Wax aqoon wax looma sheego. 

489 Wax la dhalay iyo dhul baa loo marti yahay. 

490 Wax la qarashaa ama qudhme ama qubte 

491 Wax rag kaa galay rako kaa gale. 

492 Waxaad dhuuso moodaysaa, xaar kugu noqda. 

493 Waxaan calaf ahayna lama cuno, waxaan hed ahayna looma dhinto. 

494 Waxaan kashaada gelin, korkaaga yay dhaamin. 

495 Waxaanad filanany iyo fallaari waa kaa fuc siiyaan 

496 Waxay sheegatayba ha weydee, waa lagu shareerraa. 

497 Wiil intuu ood ka booduu talo ka boodaa 

498 Xabaallo waalid baa xoolo lagala baxaa. 

499 Xadhko geel ma wada xidhaan. 

500 Xaglo laaban xoolo kuma yimaadaan 

501 Xalaafo waa Xoogii Xirsi Muude 

502 Xarrago dumar xanuun ma leh 

503 Xiiso iyo xoorba way dhacaan. 

504 Xog mooge xaajo waa dilaa. 

505 Xoolo lama cunee dadkoodaa la cunaa. 

506 Xoolo quudheed waa la qaataa, soor quudheedse lama qaato. 

507 Xoorkii laga dhamay xagaagii iyo xusuus baa geel lagu xer geeyaa 

508 Xornimo adaa ku noole,iyadu kuguma noola 

 

 

Choose a picture from the Gallery
Amber's Flower Shop
Address:
300 Baker Avenue
Concord, MA 01742
Tel: 1-800-555-1212

Share my interest in photography? Want to comment on some of the photos in this album, or point me toward some of your own photos? Please get in touch!

Just click this address to send me mail:

myname@myaddress.com